Wiilal u dhintay gudniin lagu sameeyay

Labo wiil oo ka soo jeeda tuulada Lundi ee ku taala bariga deeggaanka Mwingi ee ismaamulka Kitui ayaa dhintay kaddib markii si xun ama si taxaddar la’aan loo guday.
Labada wiil oo da’doodu kala ahayd 7 iyo 5 sano jir ayaa la guday habeenimadii Arbacada ee toddobadkii aynu ka soo gudubnay.
Warbixinada qaar ayaa tilmaamaya in carruurtan ay si xun u dhiig baxeen iyaga oo aan wax caawimaad ah helin.
Waalidiinta labada carruur oo sheegay inay daacad u yihiin caado dhaqaameedka u gaarka ee loo yaqaano Kavonokia ayaa mamnuucaya in dadka deggan tuuladaasi ay booqdaan isbitaalada iyadoona waliidiinta carrurtaan ay diideen inay isbitaalka geeyaan.
Guddoomiyaha tuuladaasi Patrick Mwaniki ayaa soo saaray digniin adag oo u dirayo waalidiinta, kana mamnuucaysa inay ubadkooda qaab dhaqameed u gudaan.
Ninka arrintan geystay oo da’adiisu lagu sheegay 70 sano jir ayaa la xiray kaddib markii saraakiisha booliisku ay bilaabeen baaritaan ku aadan dhacdadaan.
Meydaka labada carruur ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka dhexe ee Mwingi.
Bishii Juun ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe uu sheegay in dowladdu ay la xiriirtay oday dhaqameedyada si loo joojiyo gudniin dhaqameedka iyadoo laga hor tagayo faafitaanka cudurka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here