Wiilkii Jamal Khashoggi, Saalax oo sheegay in qoyskiisa uu cafinayo dadkii dilay aabihiis

Saalax Khashoggi

Wiil uu dhalay weriyihii Sucuudiga u dhashay ee la dilay Jamaal Khashoggi ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraal uu ku cafiyinayo dadkii ka dambeeyay dilkii aabihiis.
Qoraalka, oo uu maanta soo dhigay, Saalax Khashoggi ayuu ku sheegay in qoyskiisu cafiyeen kuwii dilay wariyiha sanadkii 2018-kii mar uu ku sugnaa qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxaa uu bartiisa ku qoray in habeenka bisha barakeysan (ee Ramadaan) ay xasuusanayaan hadalkii Eebbe:ee ahaa Haddii qofku cafiyo oo dib-u-heshiisiin sameeyo, abaalmarintiisu ay ka imanaysa xagga Eebe.”
Khashoggi ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay qunsuliyada Sacuudiga halkaas oo uu raadsaday dukumentiyada lagama maarmaanka ee arooskiisa.
Maydkiisa ayaa la jarjaray isla markanaa aan la helin ilaa iyo iminka.
Hatice Cengiz, oo ah gabadhii uu guursan rabay Khashoggi, ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay Jimcaha in qofna uu xaq u lahayn cafinta kuwa wax dila.
Dilka ayaa sababay buuq caalami ah.
Dowladaha reer galbeedka qaar, iyo sidoo kale Haa’adaha danbi baarista, ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu amray dilka.
Saraakiisha Sacuudiga ayaa iska fogeeyay eedeymahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here