William Ruto oo baaq u diray madaxda aflagaaddada adeegsanaya

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku booriyay inay soo afjaraan aflagaaddada iyo hadalada xanafta leh ee ay is weydaarsanayaan.
Waxaa uu si gaar ah ugu digay qaar ka mid ah siyaasiyiinta isaga taabacsan oo aan qadarin u muujin madaxweyne Uhuru Kenyatta.
William Ruto ayaa xusay in madaxda laga doonayo inay is xakameeyaan oo aynan adeegsan hadalo wax u dhimaya xasiloonida wadanka iyo midnimada shacabka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in qofka oo careysan ama sida ay wax u socdaan aan ku qanacsaneyn aynan qiil u noqon karin inuu dadka kale afxumo kula kaco.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bartiisa rasmiga ee twittarka ayuu ku sheegay in marnaba aynan sax ahayn in loo gafo hooyooyinka iyo madaxweynaha dalka.
William Ruto ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jirto si wanaagsan oo uu qofku ku gudbin karo dareenkiisa.
Arrintan ayaa timid saacado un kaddib markii xabsiga loo taxaabay xildhibaanka deegaanka Emurua Dikirr Johana Ng’eno.
Mudanaha ayaa lagu eedeyay inuu sameeyay kicin dadweyne sido kalena uu jeediyay hadalo meel ka dhac ku ah qoyska madaxweynihii koowaad ee dalka Jomo Kenyatta.
Isku duwaha ammaankaee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa Mr. Ng’eno ku eedeyay inuu ismaamulka Narok ka dhex kicinaya xasarad qabiil ku saleysan.
Xildhibaanka deegaanka Kapseret , Oscar Sudi oo cambaareeyay xarigga dhigiisa Emurua Dikirr ayaa sheegay in tallaabadaas lagu doonayo in lagu aamusiiyo dadka dowladda talada haysa dhaliilsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here