William Ruto oo beeniyay hadal ka soo yeeray Atwoli

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedin ka timid mas’uuliyiin uu ka mid yahay xoghayaha ururka shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli.
Waxaa uu xusay in shakhsiyaadkan ay ku talinayaan in isbeddel lagu sameeyo dastuurka dalka si loo kordhiyo mudada madaxweynaha hadda talada dalka haya Uhuru Kenyatta.
Ruto ayaa xilli uu hoggaamiyaasha gobollada Nyanza iyo galbeedka dalka ku casuumay gurigiisa xaafadda Karen ee Nairobi hoosta ka xarriiqay in Mr. Kenyatta uu aad u tixgeliyo dimuqraadiyadada sidaas awgeedna uusan talada isku sii dhejin doonin.
Ruto ayaa intaa ku daray inuusan marnaba aaminsanayn in madaxweynaha uu cid ka codsaday inay u ololeyso muddo kororsi sidaas awgeedna uusan fahmi Karin dadka arrimahan sheegaya danaha ay fulinayaan.
William Ruto ayaa xusay in dadaallada wax looga beddelaya dastuurka dalka iyadoo la adeegsanaya guddiga BBI la doonayo inay noqdaan kuwo ku saleysan danaha shacabka iyo horumarka wadanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here