William Ruto oo beeniyay in isaga iyo madaxweynaha aynan wada socon

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray in isaga iyo hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta aynan isugu dhaweyn sidii hore.
Xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee NTV ayuu hoosta ka xarriiqay inuunan jirin wax khilaaf oo kala dhexeya madaxweynaha.
Ruto ayaa xusay in hadii ay jirto cid mas’uul ay hoos tagto u muujiso qadarin iyo daacadnimo aan isaga looga badneyn.
Waxaa uu ku adkeystay in xiriirka uu la leeyahay Mr. Kenyatta uu yahay mid adag oo qoto dheer.
Wuxuu sheegay in dadka ku eedeynaya in Ruto uunan aad ugu dhaweyn ama la shaqeynayn madaxweynaha ay intooda badan ka tirsan yihiin urur weynaha mucaaradka Nasa.
Ruto ayaa intaas ku daray in shakhsiyaadkaas aynan weligood u codeyn Uhuru Kenyatta oo sida uu sheegay ay is barteen sannadkii 1998-dii.
Ruto ayaa sheegay inuunan jirin siyaasi Uhuru Kenyatta u taageeray sidiisa oo kale.
William Ruto ayaa dhanka kale xusay inay jiraan dad uunan magacdhawin oo ku dadaalaya inay dib u furaan dacwaddii uu wajahayay ee maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC.
Baaritaan ku saabsan dhulalka oo ay soo baxday in mar dhow dib loo soo hadal qaaday ayuu Ruto xusay in la xiray sannadkii 2004-tii.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in dadaal kasta oo loo galo ama qaab walba oo loo soo maro in sannadka 2022-ka laga hor istaago musharaxnimadiisa madaxweynanimo lagu fashilmi doono.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo la weydiiyay inuu berri Mombasa ku sugnaan doono si uu uga qeyb galo isku soo baxa warbixinta BBI ayaa ku gaabsaday in arrintan ay tahay mid Kenyaanka ay wada leeyihiin sidaas awgeedna aan loo baahneyn in cid gaar ah ay is lahaysiiso.
Dr. Ruto ayaa caddeeyay inaynan jirin cid laga hor istaagi karo inay kulamada BBI ka qeyb gasho.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ee uu hoggaamiyo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayuu ka dalbaday inay billaabaan dhageysiga aragtida Kenyaanka.
Sido kale wuxuu sheegay inuu guddiga BBI ka codsaday in marka dhageysiga afkaarta ay guda galaan ay isaga fursad siiyaan si uu dareenkiisa u muujiyo maadaama sida uu hadalka u dhigay ay u muuqato in howshu aynan u socon sidii loogu tala galay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa carrabka ku dhuftay inay taageerayaan warbixinta BBI iyo horumarka wadanka ay u horseedeyso balse marnaba aynan ogolaan doonin in shakhsiyaad gaar ah iyagoo qiil ka dhiganaya ay Kenyaanka ku kala qeybiyaan.
Mas’uulkan oo horay walaac uga muujiyay lacagaha loo adeegsado isku soo baxyada BBI ayaa xalay sheegay inuunan hubin in hanti dadweyne lagu qarash gelinayo balse hadii xaaladdu ay sidaasi tahay uu ka soo horjeedo.
William Ruto ayaa sido kale qeexay inuunan jirin siyaasi sheegan karo inuu awood u leeyahay go’aaminta cidda kulan BBI ku saabsan oo la qabanaya ka qeyb galaysa.
Sido kale waxaa uu wareysiga ku sheegay in madaxda siyaasadeed ay u muuqdaan inay afduubeen geedisocodka BBI.
Waxaa uu intaas ku daray in diiradda la saaro sida isbeddelada wadanka ka socdo ay dani ugu jirto Kenyaanka ayna kaga faaiidaysanayaan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa su’aal geliyay sida shacabka ay dani ugu tahay in kulankii ka dhacay Kakamega isaga iyo gurigiisa Sugoi lagu soo hadal qaado.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay inay jireen siyaasiyiin raadinayay fursad ay isku soo baxyo ku qabtaan.
Kenyaanka ayuu hoosta ka xarriiqay in la doonayo in fursad loo siiyo akhrinta warbixinta BBI si ay u fahmaan.
William Ruto oo lagu xujeeyay in xita isaga uu olole siyaasadeed sameeyo marka uu mashaariicda horumarineed xariga ka jaraya ayaa sheegay inuu yahay ku xigeenka madaxweynaha dalka oo uu waajibaadkiisa gudanaya.
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isku soo baxyada siyaasadeed iyo munaasabadaha uu ka qeyb galo ay aad u kala duwan yihiin.
Ruto oo wax laga weydiiyay sababta uunan u xakameyn madaxda isaga taabacsan ee siyaasadda ku mashquulsan ayaa ku jawaabay dadkaas waa mas’uuliyiin la soo doortay , aniga igama amar qaataan iimana shaqeeyaan marar badana habdhaqankoodu waan isku qabanay.
William Ruto ayaa sheegay in ka hor kulankii taariikhiga ahaa ee dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga , madaxweynaha uu isaga kala tashtay oo ayna ku heshiiyeen in la dejiyo xaaladda siyaasadeed ee xilligaas wadanka ka taagneyd.
Ruto ayaa shaaciyay in mar kasta oo Raila uu la soo xiriiro si arrin qaran looga hadlo uu madaxweynaha dalka ku war geliyo ama kala tashto.
Ku xigeenka madaxweynaha oo lagu yiri waxaad u muuqataa inaadan ku faraxsaneyn maamulka aad ka tirsan tahay ayaa ku jawaabay ma waxaad leedahay hibooyin gaar oo aad taasi ku qiimeyn karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here