William Ruto oo ku baaqay in guriyaha lagu sugnaado

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa shacabka Kenyaanka ah ku booriyay inay guriyaha joogaan oo ay aad u yareeyaan dhaqdhaqaaqooda.
Waxaa uu xusay in si looga hor tago faafitaanka cudurka dalka iyo guud ahaan caalamka ka jiro ay tahay inaan la isu kala gooshin.
Sido kale dadweynaha ayuu kula taliyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka ay bixinayso wasaaradda caafimaadka si ay xanuunka uga badbaadiyaan naftooda, qaraabadooda iyo muwaadiniinta kale.
Baaqan ayuu Ruto jeediyay xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here