William Ruto oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay caawinta Kenyaanka danyarta ah

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay caawimaad siiso kenyanaka u nugul dhibaatooyinka ee ay saameynta ka soo gaartay cudurka COVID-19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda kiisaska coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha wadanka ay kor u dhafeen 1000.
Mr. Ruto ayaa xusay in marka laga soot ago gargaarka cunno ee la bixinaya uu jiro qorsho ku aaddan in lala yimaado qaab dib loogu soo nooleynaya dhaqaalaha wadanka.
Ku xigeenka madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in qof kasta wixii uu dariskiisa ku dhaammo oo awood ah uu ku taageero.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu cunno u qeybiyay qoysas deggan ismaamulka Kiambu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here