William Ruto oo sheegay in heshiiskii Raila iyo Uhuru uu wax u dhimay qorshihii Jubilee

Ku xigeenka madaxweyanaha dalka William Ruto ayaa sheegay in siyaasadaha ku xeeran is gacan qaadkii dhex maray madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu khalkhal geliyay afarta qorshayaal ee ugu waaweyn ee xisbiga Jubilee.
Qorshayaashan ayaa kala ah helidda adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Xilli uu waraysi siiyay Telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu William Ruto sheegay in afarta ajande horumarineed ee xisbiga ay istaageen sababtuna tahay waxaa uu ugu yeeray awood aan wanaagsanayn oo ka dhalatay heshiiskii labadan mas’uul.
9-kii bishii saddeexaad ee sannadkii 2018-kii ayey ahayd markii kulan taarikhi ah uu dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
Waxaa uu kulankaas iyo afgaradkii xigay soo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashadii madaxweynenimo ee sannadkii 2017-kii.
Uhuru iyo Raila ayaa soo dhisay guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI si loo soo bandhigo waxyabaha ay dani ugu jirta shacabka Kenyaanka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Dr Ruto ayaa dhanka xusay in cudurka Coronavirus uu saameyn ku yeeshay afartii ajande ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here