William Ruto oo u digay shaqaalaha dowladda ee siyaasadda ku mashquulsan

Ku xigeenka madaxweynaha dalka , William Ruto ayaa digniin adag u diray qaar ka mid ah saraakiisha dowladda oo uu sheegay inay diiradda saarayaan fulinta qorshayaal siyaasadeed.
Waxaa uu howlwadeenadda dowladda ugu baaqay inay ku dadaalaan u adeegidda shacabka oo aan marnaba loo adeegsan arrimo gaar ah.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay ka jirto dimuqaraadiyad sidaas awgeedna aan loo baahneyn in cid laga hor istaago hammi ay leedahay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale waaxda dambi baarista ee DCI ku eedeyay in loo adeegsanaya in lagu dhaawaco sumcadda xafiiskiisa.
Waxaa uu Dr. Ruto ku nuuxnuuxsaday inay jiraan guddoomiyaasha ismaamullada, senataro iyo xildhibaano lagu bartilmaameedsanayo go’aamo siyaasadeed oo ay qaateen.
Arrintan ayuu ka hadlay xilii uu ku sugnaa ismaamulka Meru.
Senatarka dowlad deegaanka Meru Mr. Mithika Linturi ayaa waaxda dambi baarista , maamulka canshuuraha ee KRA iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ka dalbaday inay waajibaadkooda si madax bannaan uga soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here