Wilson Sossion oo sheegay in ururka KNUT uu weli mideysan yahay

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee barayaasha dalka (KNUT) ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa carrabka ku dhuftay in wax kala qeybsanaan ah aynan ka dhex jirin dalladda macallimiinta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah xubnaha KNUT ay soo doorteen hoggaan cusub iyagoo xilka qaadis ku sameeyay mas’uulkan hasa ahaate maxkamadda ayaa taasi gaashaanka u daruurtay.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in xariir wanaagsan oo dhanka shaqada ah uunan ka dhexeynin Sossion iyo ku xigeenkiisa Hesbon Otieno iyo qaar ka mid ah golaha fulinta.
Hasa ahaate xoghayaha ayaa ku andacoonaya in muranka dhanka hoggaanka iyo isqabqabsiga ka dhex jiro KNUT uu dibadda uga yimid oo farogelin lagu hayo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ururka KNUT uunan cidna dagaal kula jirin ama Isfahan waa uunan ka dhexeynin balse caqabadda ugu weyn ee haysta uu yahay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Sido kale waxaa uu xusay in sida uu hadalka u dhigay ay khalad ahayd in la soo dhiso guddi madax bannaan oo aynan maamulkiisa macallimiin xubno ka ahayn.
Sossion oo qaar ka mid ah barayaasha dalka ay ku eedeyeen inuu caqabad ku noqday mashaariicda dhinaca tacliinta ee dalka ayaa weli ku adkeysanaya inuunan marnaba ka daali doonin u ololeynta danaha macallimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here