Xaaf oo ka laabtay Heshiis uu dowlada dhexe la galay.

Warqad uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee uu hada muda xileedkiisu dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay inuu ka baxay Heshiis uu horay ula Galay dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynihii Maamulka Galmudug ayaa sheegay in mas’uuliyadii doorashada Galmudug uu kala laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya.
Qoraal uu xalay Saqdii Dhexe soo saaray ayuu ku sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan u marin wadadii loo baahna in loo qabto dib u hishiisiin sax ah oo Galmudug ka Hirgasha sidoo kalena ay ka dhalato in maamulkaas loo qabto Doorasho lagu Kalsaan yahay.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Dowlad maamul Galmudug ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan ugu dambeyn 10/10/2019 si loo dardar-geliyo howlaha Maamulka Galmudug dhismihiisa iyo sidoo kale xalinta dhamaan caqabadaha ka jira deegaanada maamulka Galmudug.
Ugu dambeyntii Madaxweynihii Maamulka Galmudug ee muda Xileedkiisu dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay ka qayb qaataan wada tashiyada ku aadan sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay oo dhamaan khilaafaadka ka madax banaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here