Xaafado ka mid ah Magaalada Jowhar oo ay biyuhu gudaha u galeen.

Kadib markii Saacadihii la soo dhaafay ay Roobab xooggan ka da’ayeen gobolka Shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxay saameyn ku yeesheen roobabkaasi qaar badan oo ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelada dhexe sidoo kalena ah Caasimada Maamulka hirshabeelle.
Xafada Faanoole ee Magaalada Jowhar ayaa Ka mid ah meelaha gabi ahaanba ay dadka guryaha biyuhu ugu Galeen qaar ka mid ah shacabka Halkaas ku nool iyo gudoomoye Xaafadeedyada Magaalada Jowhar ayaa faahfaahin ka Bixinaya xaalada Magaalada Ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here