Xaafado ka tirsan Beledweyne oo wabigu ku fatahay.

Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inuu fatahaad hor leh ka sameeyey xaafado katirsan Magaalada Baladweyne, iyadoo dadka qaarkood ay barakaceen.
Fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Ganacsatada qaarkood sida ay sheegeen, iyada oo hoos u dhac uu ku yimid Ganacsigooda.
Muumin Maxamed Miciyay oo ka mid ah Ganacsatada Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Ganacsigooda uu saameyn ku yeeshay fatahadaa, kadib markii ay barakaceen dadkii ay wax ka iibsan lahaayeen.
Waxa uu sheegay in Ganacsatada qaarkood ay haatan qorsheynayaan inay aadaan dhinaca deegaanka Ceel-Jaale,halkaas oo badi dadkii ka barakacay Baladweyne ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here