Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Suudan

Golaha Amniga iyo difaaca ee wadanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah taas oo soconaysa muddo seddex bilood ah sababo la xiriira daadad ka dhashay roobab xoogan oo dalkaas ka da’ay iyo fatahaado uu keenay webiga Niil.
Mas’uuliyiinta Suudan ayaa guddi ka hortag u xilsaaray saameynta ka dhalan karta fatahaadaha .
Go’aanka lagu soo saaray xaaladda deg deg ah waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha sare ee xukuumadda Suudan Abdel Fattah Al-Burhan.
Wuxuu sheegay in golaha amniga iyo difaaca ay tani go’aamiyeen kaddib marki la arkay suurtagalnimada ah in roobabka dalkaas ka da’ay uu ka dhasho fatahaado xoogan oo ay dad badan ku dhintaan.
Illaa iyo hadda 99, ayaa dhimatay ,46 kalena waa ay dhaawacmeen kaddib roobab culus oo dalkaasi ka da’een halka In ka badan 100,000 oo guri ah ay dumeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here