Xaalad kacsan oo ka jirta marinka Qaza ee Falastiin

Wararka naga soo gaaraya marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegaya in halkaasi xaalad kacsan ay ka jirto kaddib markii saddex sarkaal oo boolis ah qarax lagu dilay.
Weerarada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ayaa lagu sheegay kuwo ismiidaamin ah.
Waxaa qaraxyada oo ahaa labo lala bartilmaameedsaday baro kontorool oo ay boolisku ku sugnayeen iyadoo hadda ciidamada ammaanka heegan sare la geliyay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Falastiin ,Eyad al-Bozom ayaa sheegay in horumar laga gaarayo raadinta dadkii weeraradaasi ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here