Xaalada Beledweyne oo laga Shiray

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kula kulmay, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hir-Shabelle iyagoo ka wada wad hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada wabiga shabeelle uu magaaladaas ka samaynayo.
Kulankaan ayaa aad looga hadlay sida ay muhiimka u tahay hirgalinta barnaamijka xalka waara Ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha,isla markaana dadka Magaaladaasi waxyeelada u geysta.
Waare iyo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaay qorsheeyeen in dhowaan la fuliyo mashaariic wax gal ah oo biyaha looga leexinayo Magaalada Beledweyne, sidoo kalena lagu dhiiqa bixinayo Wabiga Shabelle, iyo dhisida Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha maamulka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday Golihiisa Wasiirada inay dardar geliyaan howlaha Bulshada ay u hayaan iyo go’aanada ay ku gaareen kulanka uu kula qaatay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here