Xaaladaha coronavirus ee Brazil oo ku dhaw 60,000

24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gudaha dalka Brazil laga xaqiijiyay kiisas dhimasho oo dhan 1,271 oo la xiriira cudurka COVID19.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada Brazil ka dhigtay 59,656.
Brazil ayaa ah wadanka labaad ee uu sida weyn u saameeyay cudurka marka laga soo tago Maraykanka.
In ka badan 1.4 milyan oo kiisas ah ayaa ilaa iyo hadda halkaas laga diiwaangeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here