Xaaladaha coronavirus ee caalamka oo 12 milyan dhaafay

Guud ahaan caalamka waxaa ilaa iyo hadda uu cudurka COVID19 haleelay ugu yaraan 12 milyan oo qof.
In ka badan 548,896 qof ayaa cudurka u dhimatay sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socoto kiisaska sii kordhaya.
Ilaa 6.5 milyan oo bukaan ayaa cudurka ka caafimaaday.
Kiisaska ugu badan ee fayraska corona iyo dhimashada ka dhalatay waxaa laga diiwaangeliyay wadamada Maraykanka iyo Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here