Xaaladaha Coronavirus ee caalamka oo kor u dhaafay 8 milyan

Kiisaska la xiriira caabuqa coronavirus ee laga diiwaangeliyay dunida ayaa hadda ah in ka badan 8 milyan.
Sida laga soo xigtay jaamacadda John Hopkins oo si dhow ula socoto cudurka waxaa covid-19 ka bogsaday 3.8 milyan.
Dhimashada ka dhalatay cudurkan saameynta ba’an ku yeeshay caalamka ayaa hadda ah ugu yaraan 435,662 .
Kiisaska dhimasho ee ugu badan ayaa laga xaqiijiyay wadamada Maraykanka , Brazil iyo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here