Xaaladaha coronavirus ee Iiraan oo dhaafay 300,000

Iranian couple wearing protective masks to prevent contracting a coronavirus walk at Grand Bazaar in Tehran, Iran February 20, 2020. WANA (West Asia News Agency)/Nazanin Tabatabaee via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. - RC2D4F91Q0H7

Kiisaska fayraska corona ee laga diiwaangeliyay wadanka Iiraan ayaa gaaray 301,530 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha wadankaas laga xaqiijiyay dhimasho cusub oo ka dhalatay cudurka COVID19 oo dhan 226 .
Dhimashada guud ee la xiriira cudurka ee Iiraan ayaa hadda ah 16,569.
Dhanka kale waxaa dalka India markii ugu horeysay hal maalin gudaheed laga xaqiijiyay in ka badan 50,000 oo xaaladaha coronavirus ah halka kiisaska cusub ee Ruushka ay yihiin 5,509.
Ilaa iyo hadda xaaladaha laga diiwaangeliyay Ruushka ee COVID19 ayaa ah 834,499 waana tirada afaraad ee ugu badan caalamka.
Sido kale waxaa dalkaas cudurka ugu dhintay 129 oo dheeraad ah tani oo dhimashada guud ka dhigtay 13,802.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here