Xaaladaha coronavirus ee India oo gaaray 6.63 milyan

Wadanka India ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeyay laga xaqiijiyay kiisas cusub oo coronavirus oo dhan 74,442.
Waxay tani tirada guud ee xaaladaha caabuqa ee halkaas ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay ka dhigtay 6.63 milyan.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa sidoo kale shaacisay in 903 qof oo dheeraad ah ay cudurka COVID19 u dhinteen.
Dhimashada guud ee India ayaa hadda ah 102,685.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda India ay fududeysay xayiraadaha qaar iyadoo dib loo furay dugsiyada iyo goobaha aflaanta laga daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here