Xaaladaha Covid19 ee Afrika oo kor u dhaafay hal malyan

Kiisaska cudurka Coronavirus ee qaaradda Afrika ayaa haatan waxay kor u dhaafeen hal malyan sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee AFP.
Waxaa uu cudurka ilaa iyo hadda soo ritay 1,000,054 halka ay u dhinteen 21,724 waxaana Kaga caafimaaday in ka badan 670,000.
Kala bar kiisaskan waxaa laga diiwaan geliyay dalka Koonfur Afrika.
Xaaladaha coronavirus ee Afrika ayaa ah 5% kiisaska adduunka.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in boqolkiiba 20 dalal qaar ee Afrika ee kiisaska maalinha ee hoos u dhaceen halka ku dhawaad 10 dal ay wali la kulmayaan koror.
Wadamada kiisaska ugu badan laga diiwangeliyay qaaradda marka loo eego tirada dadkooda waa Konfur Afrikan, Jabuuti, Gabon, Cape Verde iyo Sao Tome Principe.
Guud ahaan kiisaska cudurka Covid-19 ayaa hadda ah 19 malyan halka 712,000 ay u geeriyoodeen waxaana kafimaaday in ka badan 11 malyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here