Xaaladda degdegga ee Japan oo la kordhiyay ilaa dhammaadka bishan

Ra’iisul wasaraaha dalka Japan, Shinzo Abe ayaa maanta oo isniin ah kordhiyay mudada wadankaas uu ku sii jiraya xaaladda degdegga ah.
Amarkan cusub ayaa shaqeynaya ilaa 31-da bishan shanaad ee May.
Shirka guddiga loo xilsaaray arrimaha coronavirus oo uu Shinzo Abe guddoomiyay ayuu ka sheegay inuu amarkan meesha ka saari karo iyadoo aynan bisha dhammaan hadii ay khuburrada caafimaadka kula taliyaan qiimeyn kaddib.
Caabuqa Coronavirus ayaa gudaha Japan ku haleelay 15,913 qof waxaana cudurka Covid-19 halkaas ugu dhintay 542 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here