Xaaladii degdegga ahayd ee Thailand oo la qaaday

Dowladda dalka Thailand ayaa meesha ka saartay xaalad degdeg ahayd oo la soo rogay si loo soo afjaro dibadbaxyo socday muddo saddex bilood ah.
Dibadbaxyada ayaa lagu dalbanayaa isbeddel dhanka hoggaanka oo ay ka mid tahay inuu xafiiska baneeyo ra’iisul wasaaraha wadankaas.
Amarrada la soo saaray ee toddobaadkii hore ka dhaqangalay Thailand waxaa ka mid ahaa in dad ay tiradoodu ka badan tahay 5 qof aysan hal meel isugu tagi Karin.
Waxaa sido kale la mamnuucay in la qoro ama la faafiyo fariimaha iyo wararka wax u dhimaya xasiloonida.
Hasa ahaate bayaan ka soo baxay dowladda Thailand ayaa lagu xusay in tallaabooyinkan aan la sii adeegsan doonin wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo ee maanta oo ay saacadda dalkaas tahay 12-ka duhurnimo.
Waxaa bayaanka lagu xusay in go’aamada ay dowladdu qaadatay ay sare u sii qaadeen dibadbaxyada rabshadeysan ee ka socdo caasimadda Thailand ee Bangkok.
Ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha oo isaga iyo boqor Maha Vajiralongkorn ay shacabka dalbanayaan inay xafiisyada baneyaan ayaa wacad ku maray inuusan iscasili doonin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here