Xaalado Cusub oo Covid 19 ah oo Soomaaliland laga helay

Soomaaliland ayaa Isninta Maanta ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Coronavirus,oo baaritaano lagu sameeyey kadib qaarkood laga helay Cudurka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta iyo ka Hortaga Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 75 qof cudurkana laga helay 28 ruux, oo 21 qof ay Joogaa Magaalada Hargeysa,Boorama 6 qof iyo hal qof oo jooga Magaalada Gibileey,isla markaana ay ku jiraan dadkaasi xaalado karantiil ah.
Sidoo kale Guddigu waxaay sheegeen in hal Ruux oo ku sugnaa Magaalada hargeysa uu Cudurka u geeriyooday taasoo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 22 Ruux halka Cudurka ay ka bogsadeen Saddex Ruux oo hor leh.
Ugu dambeyn Guddiga Xakamaynta Covid 19 ee Soomaaliland waxay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 332 Ruux 43 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 qofna ay u geeriyoodeen.
Dhanka kale Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu arkayo caalamadaha Caronavirus eek u sugan deegaanada maamulka Galmudug.
sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Galmudug 54 qof ayaa laga qaaday Dheecaan si baaritaan loogu soo sameeyo waxaana Loo diray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Isku duwaha wasaarada caafimaadka Galmudug ee Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa sheegay inay sii kordhayaan xaaladaha dadka la xaqiijiyay inay qabaan caabuqa karoona Isagoo xusay ilaa iyo hadda in tirada guud ay gaareeyso 15 ruux.
Sidoo kale isku duwaha ayaa sheegay inay dad badan da’doodu ay aad u weyn tahay ay maalmihii u danbeeyay ku geeriyoodeen Gobolka Mudug inkastoo aan la xaqiijin karin inay sababsadeen cudurka coronavirus iyo in kale maadaama aan baaritaan laga qaadin balse ay qabaan tuhun ah in dadkaasi u dhinteen Covid 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here