Xaaska ra’iisul wasaaraha Canada oo caabuqa Coronavirus laga helay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada ,Justin Trudeau ayaa lagu soo warramayaa in muddo 14 cisho ah aynan isku meel joogi doonin xaaskiisa Sophie Gregoire-Trudeau oo lagu arkay caabuqa Coronavirus.
Haweeneydan ayaa baaritaano lagu sameeyay kaddib markii ay ka soo laabatay safar ay ku tagtay ingiriiska.
Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in xaaskiisa ay muujisay astaamaha caabuqa.
Hasa ahaate Mr Trudeau ayaan weli lagu arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.
Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.
Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu ka soo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here