Xabad joojin ka dhaqan gashay marinka Qaza ee Falastiin

Rockets are fired from the Gaza Strip toward Israel on November 13, 2019. - Exchanges of fire triggered by Israel's targeted killing of a top militant in Gaza raged for a second day today and showed little sign of easing as the Palestinian death toll surged to 23. (Photo by Anas BABA / AFP)

Wararka naga soo gaaraya marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegaya in halkaasi ay xabad joojin ka dhaqan gashay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii 32 qof ay ku dhinteen weerarro dhanka cirka ah oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay Qaza ka socday.
Xabad joojinta ayaa dhaqan gashay abaare 5:30 aroornimo ee saaka ee saacadda dalkaasi Falastiin.
Sarkaal ka tirsan dowladda Masar oo kala dhexdhexaadinayay Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad ayaa heshiiska la gaaray u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Waxaa uu intaasi ku daray in labada dhinac ay qaateen waxyaabaha la isku afgartay si isku dhacyada khasaare nafeed oo dheeraad ah uunan uga dhalan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here