Xabad joojin uu Sacuudiga hor kacaya oo ka billaabatay Yemen

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya inay halkaas ka billaabatay xabad joojin qaran oo boqortooyada Sacuudi Carabiya ay garwadeen ka tahay.
Tallaabadan ayaa la rajeynaya inay soo afjarto collaadda wadankaas ka jirtay muddo 5 sano ah.
Dagaallada u dhexeya ciidamada Dowladda Yemen iyo kooxda ka soo horjeedda ee Xuutiyiinta ayaa malaayiin qof macluul u horseeday.
Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee garab siinaya Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Yemen ayaa xalay ku dhawaaqay inuu joojinayo howlgallada milatari muddo laba todobaad ah.
Qaramada midoobay ayaa dadaal ugu jirto in la soo afjaro iskudhacyada galaaftay nolosha in ka badan 100,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here