Xabsiga dhexe ee Kericho oo lagu soo rogay xayiraad guud

Xabsiga dhexe ee ismaamulka Kericho ayaa lagu soo rogay xayiraad guud kaddib markii 48 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha iyo maxaabiista laga helay cudurka COVID-19.
Ogeysiis ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Kericho ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhaqdhaqaayadi gudaha iyo binaanka xabsiga.
Tallaabadan la soo saaray ayaa looga gol leeyahay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka gudaha iyo dibedda xabsiga.
Ehelka maxaabiista xabsiga ku jirtaa ayaa lagula taliyay inay joojiyaaan boqoshada xabsiga ilaa ogeysiis dambe.
Barasaabka ismaamulka Kericho Paul Chepkwony ayaa sheegay in waaxda caafimaadku ee deegaankaasi ay bilaabeen baaritaano ballaaran ee maxabiista xabsiga kaddib markii qaar kamid ah laga helay cudurka Coronavirus.
Maxaabiista iyo shaqaalaha cudurka laga helay ayaa xaaladooda caafimaad ay degantahay islamarkaana lagu raad jooga dhammaan dadkii ay si dhow ay u wada macaamileen lagu wargeliyay arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here