Xafiis isku xiro labada kuuriya oo la qarxiyay

Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa inay qarxisay xafiis kala dhaxeeyay kuuriyada Koonfureed oo ku yaallay meel u dhaw magaalada xadka ku taala ee Kaesong, sidaa ay sheegtay wasaaradda mideynta ee Kuuriyada Koonfureed.
Arrintan ayaa dhacday abaaro 2:49 duhurnimo ee xiliga maxaliga ee dalkaasi.
Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa ku warameysa in qarax weyn laga maqlay magaalada Kaesong.
Tallaabadan ayaa waxa ay imaanaysaa saacado uun kaddib markii Waqooyigu uu soo cusboonaysiiyay hanjabaaddiisa ah inuu Koonfurta ka qaadi doono tallaabo milateri.
Goobta la qarxiyay oo ka tirsan dhulka Waqooyiga ayaa waxaa la furay 2018 si ay uga caawiso labada Kuuriya inay xiriir isgaarsiineed yeeshaan.
Xafiiskan labada dal ka dhaxeeyay ayaanay cidina joogin tan iyo bishii Janaayo xayiraadaha Covid-19 awadii.
Shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu ku booriyey xukumadda Pyongyang in ay dhawrto heshiisyada nabadeed ee ay gaareen labada dhinac isla markaana ay ku soo laabtaan miska wadahadalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here