Xafiiska dacwad oogaha oo amar ku bixiyay in dacwad lagu soo oogo sarkaal dil uu geystay wiil 13 jir ah

Yasiin Moyo

Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka DPP ayaa soo saaray amar ah in Dacwad lagu soo oogo Sarkaal Boolis ah oo lagu Magacaabo Duncan Ndiema Ndiwah.
Sarkaalka ayaa loo haysta dambi ah in uu toogtay Wiil lagu magacaabi jiray Yasin Moyo xili uu ku suugna xaafada Huruma ee Magaladatani Nairobi.
Wiilkan oo ay da’diisa ahayd 13 ayaa la toogtay isaga oo taagan balakoonka gurigiisa.
Wiilka ayaa waxaa garab taagna walaalahiis xiligii ay xaabada ku dhaceysay.
Aabaha dhalay Wiilkan oo lagu magacabo Hussein Moyo, ayaa sheegay in Wiilkiisa lagu dilay gurigiisa isaga oo aan wax dambi ah galin.
Wiilkan yar ayaa markii ay xabada ku dhacday loola caraaray isbitaalka Mama Lucy balse waxaa uu geeriyooday isaga oo aan isbitaalka gaarin.
Maamulka madax banaan ee kormeerka Booliska IPOA ayaa sheegtay in ila iyo 15 ruux la dilay tan iyo markii dalka laga dhaqangeliyay bandowga habeenkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here