Xafiiska dacwad oogidda oo gacanta ku haya 834 kiis oo la xiriira musuqmaasuq

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ee uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji ayaa sheegtay inay ku howlan tahay kiisas ku saabsan musuqmaasuqa oo gaaraya 834 .
Qaar ka mid ah falalkan ayaa lala xiriiriyay mas’uuliyiin haya xilal sare sida wasiirro , xildhibaano iyo kuwo kale.
Nuurdiin Xaaji ayaa xilli uu ka qayb galay kulan online ah sheegay in riyada Kenya ay tahay in ku dhaqanka mabaad’ida dastuurka ay qayb ka noqoto nolosha shacabka iyo shaqaalaha dowladda.
Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayaa dhankiisa xusay inay la dagaalanka falalka wax isdaba marinta u adeegsanayaan ilaa saddex istaraatiijiyadood.
EACC ayaa diiradda saarto baaritaano saameyn leh oo ku saleysan danaha dadweynaha , shakhsiyaadka ku lug leh iyo qiimaha hantida la dhacay.
Guddigan ayaa sido kale ku dadaalo in dib loo soo helo dhaqaalaha la boobay iyo hantida laga sameeyay .
Madaxa fulinta ee EACC ayaa intaa ku daray inay adeegsadaan istaraatiijiyad looga hor tagaya falalka musuqmaasuqa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here