Xafiiska dacwad soo oogidda ee Kisumu oo la furay

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa maanta ismaamulka Kisumu ka furay xafiis loogu talagalay inuu u adeego shacabka ku nool gobolkii hore ee Nyanza.
Waxaa adeegyada xaruntaasi cusub ka faaiidaysanaya dadweynaha ismaamulada sida Kisumu, Siaya iyo Homa Bay.
Mr. Xaaji ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay dadaalada adeegyada dowladda dhexe loogu dhaweynayo shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay howlgelinayaan saraakiil xafiiska cusub ka shaqeynaya.
Mr. Xaaji ayaa sheegay in waaxda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay in la sii ballaariyo adeegyada la xariira dacwad oogidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here