Xafiisyada dowladda Hong Kong oo la xiray dibadbaxyada awgood

Maamulka Jamhuuriyadda Hong Kong ayaa lagu soo warramayaa inay maanta oo khamiis ah xireen xafiisyada dowladda ee ku yaalla bartamaha magaala madaxda dalkaasi kaddib markii ay sare u sii kaceen dibadbaxyada halkaasi ka dhacaya.
Mudaharaadyada ayaa looga soo horjeedaa hindise sharciyeed dhigaya in eedeysanayaasha Hong Kong loo tarxiili karo dal-weynaha Shiinaha si loo soo maxkamadeeyo.
Shacabka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegay in qorshaha maamulka halkaasi ka taliyo uu ku adkeysanayo uu liddi ku yahay xuquuqul aadanaha.
Shalay ayay ahayd markii dib loo dhigay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka muranka dhaliyay kaddib markii dibadbaxayaal ay isugu tageen afaafka hore ee xarunta baarlamaanka.
Madaxa fulinta ee Hong Kong , Carrie Lam ayaa qorshaha maamulkeeda difaacday waxayna sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo isbeddelo dhanka sharciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here