Xafiisyada ismaamulka Kirinyaga oo la xiray

Barasaabka Ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ku dhawaaqday in la xiray dhammaan xafiisyada kala duwan ee dowlad deegaankaas.
Tani ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah shaqaalaha laga helay cudurka COVID-19.
Waxaa ay sheegtay in cudurka uu si aad ah ugu dhex faafay howlwadeenada ismaamulka Kirinyaga in kastoo ay jiraan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka.
Haweeneydan ayaa xustay in isdhexgalka jir ahaaneed ee shaqaaluhu uu socday iyadoo si buuxda loo racaayo amarrada wasaarradda caafimaadka dalka balse taasi aysan keenin natiijooyinkii la rabay kiisaskuna ay u muuqdaan kuwa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa.
Waiguru ayaa amar ku bixisay in muddo labo toddobaad ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro xafiisyada ismaamulkaas.
Waaxyaha kala duwan ayaa laga doonaya in ay shirarku u qabtan qaab muqaal ah si ay u gudbiyaan macluumaadka iyo xogta ay shacabku u baahan yihiin.
Mrs. Anne Waiguru ,barasabka ismaamulka Kirinyaga ayaa intaa ku dartay in dhammaan saraakiisha laga doonaya in xilliyada shaqada taleefoonadooda ay shaqeyaan si marka loo baahdo loo helo sidoo kalena ay isgaarsiinta u adeegsadaan email-lada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here