Xarumaha waxbarashada ee Pakistan oo dib loo furaya

Waxaa maanta dib loo furayaa dugsiyada sare , machadyada iyo jaamacadaha wadanka Pakistan.
Muddo 6 bilood ayay goobahan xirnaayeen cudurka COVID19 awgii.
Wasaaradda waxbarashada ee Pakistan ayaa sheegtay in maanta la guda galaya wajiga koowaad ee qorshaha ku aaddan inay dib u billowdaan howlaha tacliinta.
Waxay intaa ku dartay inay jirayaan tallaabooyin adag oo ay khasab tahay in la raaco si looga hor tago faafidda cayraska corona.
Shalay ayaa dalka Pakistan laga diiwaangeliyay 404 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID19 iyo dhimasho dheeraad oo dhan 6.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here