Xarumo caafimaad oo laga furay Tana River

Waxaa sare loo sii qaaday adeegyada caafimaad ee ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta kaddib markii halkaasi ay marwada koobaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta ay ka furtay xarumo cusub.
Xarumahaasi ayaa dhismahoodu lagu qarash geliyay ballaayiin shilin.
Waxaa ka mid ah qeybta umusha oo ka kooban ilaa 60 sariir , qeybta CT-Scan iyo dawooyin sido kale agab caafimaad oo ku kacaya 40 milyan.
Mrs. Margaret Kenyatta ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaalayso sidii looga dhabeyn lahaa barnaamijka helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran ee (UHC).
Qorshahan ayaa qeyb ka ah ajeendayaasha ugu waweyn ee maamulka talada haya ee Jubilee.
Waaxyaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ayay ugu baaqday inay ka wada shaqeyaan sidii dadweynaha ay ku heli lahayeen daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxay si gaar ah ugu talisay in lagu dadaalo wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee haysta carruurta iyo haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here