Xarun dhexe oo lagu baaraya cudurada oo la daahfuray

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarun dhexe oo loogu talagalay in lagu baaro cudurrada kala duwan.
Mr. Kagwe ayaa xaruntan ka furay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda xanuunnada lagu baaro ismaamullada wadanka sidaas awgeedna xarunta la hirgeliyay ay arrimahan fududeyn doonto.
Wasiirka ayaa dhanka kale kulan degdeg ah maanta la qaadanaya saraakiisha caafimaadka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here