Xarun gaar u ahayd cudurka COVID19 ee Mombasa oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay xaruntii ugu weynayd ee gaarka ahayd ee ismaamulka Mombasa taasoo lagula tacaalayay kiisaska coronavirus.
Barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa xaruntan furay bishii Afaraad ee sannadkan waxaana lagu daryeelayay dadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Ilaa 300 oo sariir ayaa ku jirtay waxaana loo xiray si fursad loogu helo dib u furka jaamacadda farsamada ee (TUM) oo ay ku taallo.
Tallaabada lagu xiray xarunta waxaa warbaahinta u xaqiijisay maamule ku xigeenka jaamacadda TUM Laila Abubakar.
Waxay sheegtay in halkaas laga saaray sariirihii yaallay oo hadda lagu howlan yahay in goobta la buufiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here