Xarunta dhexe ee ismaamulka Kakamega oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay oo muddo 7 cisho ah xirnaan doonto xarunta dhexe ee dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka.
Go’aanka goobtan lagu xiray waxaa warbaahinta u xaqiijiyay barasaabka ismaamulkaas Wycliffe Oparanya .
Mr. Oparanya ayaa xusay in goobtan la buufin doono sidoo kalena dhammaan shaqaalaha ismaamulka Kakamega laga baari doono cudurka Covid-19 .
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tan iyo bishii lixaad ee sannadkan 7 qof ay cudurka ugu dhinteen gudaha Kakamega halka xaaladaha caabuqa corona ee halkaas laga diiwaangeliyay ay yihiin 316.
Barasaabka ayaa dhanka kale maamullada isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ka codsaday inay daaweyaan bukaannada uu cudurka soo ritay maadaama isbitaallada dowladda ee gobolkaas uu culeys dheeraad ah soo foodsaaray.
Mr. Oparanya ayaa ballanqaaday inuu shaqaaleysiinaya howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah si loo buuxiyo gaabadka uu keenay cudurka.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha Kakamega ku booriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda Covid19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalinkii Talaadada golaha hoose ee ismaamulka Kakamega uu howlihiisi hakiyay kaddib markii mid ka mid ah wakiillada laga helay COVID19.
Dhanka kale waxaa muddo 14 cisho ah xirnaan doono xarumaha golayaasha hoose ee ismaamullada Bungoma, Homay Bay iyo Mombasa kaddib markii qaar ka mid ah wakiillada uu soo ritay COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here