Xarunta golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay oo la xiray

Waxaa muddo labo toddobaad ah xirnaan doonto xarunta hoose ee golaha dowlad deegaanka Homa Bay kaddib markii mid ka mid ah wakiillada laga helay cudurka COVID19.
Warbixin ay soo saartay waaxda caafimaadka ee ismaamulkaas ayaa lagu xusay in wakiilka cudurka looga baaray Kisumu.
Waxaa uu hadda ku jiraa mid ka mid ah goobaha gaarka u ah COVID19 ee ismaamulka Kisumu .
Madaxa aqlabiyadda ee golaha hoose ee Homa Bay John Kiasa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tallaabada xaruntaas lagu xiray 14 cisho.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay go’aankan qaateen si looga hor tago faafidda cudurka.
Wakiillada Homa Bay iyo shaqaalaha kale ee golaha ayaa laga doonaya inay maraan baaritaano khasab oo ka dhan ah COVID19 si loo xaqiijiyo inuusan weli haleelin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here