Xarunta golaha hoose ee ismaamulka Momabsa oo la xiray

Waxaa muddo labo toddobaad ah xirnaan doonto xarunta hoose ee golaha dowlad deegaanka Mombasa kaddib markii saddex ka mid ah wakiillada laga helay cudurka COVID-19.
Wakiilada dowlad deegaankaasi hoose ayaa dhawaan la baaray kaddib markii soo baxday in mid ka mid ah uu ku dhacay cudurka.
Ku xigeenka afhayeenka wakiilada ee ismaamulka Mombasa Fadhili Makarani ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tallaabada xaruntaas lagu xiray.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in MCA-yada ay mari doonaan karantiil muddo 14 maalmood.
Tani ayaa imaaneysa iyadoo kiisaska cudurka COVID-19 ee ismaamulka Mombasa ay kordheen taas oo walaac laga muujinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here