Xarunta golaha hoose ee Kirinyaga oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay xarunta golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka .
Tani ayaa timid kaddib markii dhowr shaqaale laga helay cudurka COVID-19.
Xarunta ayaa xirnaan doonto muddo labo toddobaad ah sida ku xusan bayaan uu soo saaray guddoomiyaha golaha hoose ee Kirinyaga Anthony Gathumbi.
Amarkan ayaa maanta dhaqangalaya waxaana labada isbuuc la buufinaya xarunta.
Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ay xirtay xafiisyada dowlad deegaankaas kaddib markii la xaqiijiyay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa corona.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here