Xarunta Huduma ee bartamaha Nairobi oo berri la furaya

Wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka ayaa sheegtay in berri oo isniin ah 17-ka bishan sideedaad dib loo furi doono xarunta bixisa adeegyada muhiimka ah ee bulshada ee Huduma oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi.
Wasaaradda ayaa sheegtay in xaruntan ay shaqeyn doonto iyadoo si buuxda loo raacaya tallaabooyinka iyo amarrada dowladda ee looga hor tagaya faafitaanka COVID19.
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu xusay in si tartiib ah loo soo saari doono hannaan ay dadweynaha ku codsanayaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Waxaa tani looga gol leeyahay in meesha laga saaro safafka dhaadheer ee horay looga bartay xarumahan.
Laga billaabo berri waxaa la doonaya in qofka uu codsi sii dirsado ka hor inta uunan tagin xarunta Huduma ee GPO ee Nairobi.
Waxaa uu qofku codsiga ku gudbin karaa shabakadda www.hudumakenya.go.ke isagoo raacaya tilmaamaha halkaas ku xusan ee adeegga uu u baahan yahay.
Waxaa bayaanka ku xusan in qofka hadii uu tagay afarta xarumood ee kale ee Nairobi ama kuwa kale ee ku yaalla ismaamullada aan looga baahneyn inuu codsi sii dirsado.
Xarunta dhexe ee Huduma ee Nairobi oo uu ciriiri badan ka jiray ayaa ka mid ahayd goobihii si ku meel gaar ah loo xiray 14-kii bishii hore si buufin loogu sameeyo sido kalena uunan uga faafin cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here