Xarunta lagula tacaalayo coronavirus oo lagu wado in maanta xariga la jaro

Waxaa maanta la filayaa in si rasmi ah xariga looga jaro xarun loogu talagalay in lagu hayo dadka looga shakiyo caabuqa coronavirus ama kuwa ka imaanayo wadamada caalamka si baaritaano loogu sameeyo.
Xarunta ayaa laga hirgelinayaa isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka, Mutahi Kagwe ahna guddomiyaha guddiga qaran ee gurmaadka degdega ee loo xilsaaray ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqan hadii uu wadanka soo gaaro ayaa lagu wada in uu xariga ka jaro xarunta cusub ee lagu karaantiili doono bukaannada uu firuusiga saameeya.
Goobtan iyada ah ayaa qaadaysa ilaa 120 sariir oo loo adeegsan doono maareynta kiisaska Coronavirus.
Waxay sido kale dowalada qorshenaysaa in ismaamullada qaar ay ka furto xarumo u gaar ah wax ka qabashada cudurka uu firuusigan sababo.
Waxaa muddo 14 cisho ah la karantiili doonaa dadka ka imaanaya wadamada Talyaaniga, Iiraan iyo Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale.
Isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa laga sameeyay xarun kale oo lagu daaweyn karo 11 qof.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu soo saaray amar ahaa in isbitaalka Mbagathi muddo toddobo cisho gudaheed ah laga sameeyo xarun lagu maareeyo kiisaska la xiriira firuusiga Corona.
Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay inay xakameyn doonto safarrada lagu tago iyo duulimaadyada ka imaanaya wadamada uu saameeyay caabuqa Coronavirus ee ah ilaa 85 dal.
Caabuqa Coronavirus ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu galaaftay nolosha ilaa 3,300 oo qof wuxuuna saameeyay in ka badan 98,000 guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here