Xasan Cali Khayre oo u safray Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa.
Waxay halkaas kulamo kula yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya.
Faah faahin intaas ka badan laga bixin Safarka uu Xasan Cali Kheyre ugu ambabaxay dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu la kulmi doono Madaxda dalkaas.
Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho ka sii sagootiyey Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Si kastaba Safarka ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu ay ku egyihiin duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka tagi jiray iyo kuwii ka bixi jiray, waxaana xusid mudan in dalka Itoobiya laga helay dhowr qof oo qaba cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here