Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Kheyre ayaa maalin ka hor safar ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo la sheegay in uu ka bilaabayo ololihiisa doorashada, maadaama uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here