Xasan Cali Kheyre oo sheegay in uu raali-geliyey CC Shakuur

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa raaligalin ka bixiyay weerarkii xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku booqday hoggaamiyaha guriga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay” ayuu yiri Kheyre.
Waxaa uu intaasi kusii daray” Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.
Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay halkaas ka geysteen dil, dhac iyo boob, waxaase xalay markii ay kulmeen ay qeyb ka ahayd wixii laga wada hadlay, maadaama Xassan Cali Kheyre uu xilligaas ahaa mas’uul katirsan dowladda hadda jirta.
Dhanka kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan ayaa xaqiijiyay warka kasoo baxay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo sheegay inuu raali gelin ugu tegay isaga.
Candiraxmaan ayaa sheegay in Kheyre uu raali gelin ka bixiyey weerar 2017-kii lagu qaaday hoygiisa.
“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017” ayuu qoraalkii ku yiri.
Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here