Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud addresses a news conference at the African Union Headquarters in Addis Ababa May 26, 2013. REUTERS/Tiksa Negeri (ETHIOPIA - Tags: POLITICS) - RTX101W8

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay colaad beeleedyada maalmihii dambe ka jirtay qaar ka mid ah gobolada dalka.
Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in maanta Soomaaliya ay ka dhacaan dagaal beeleedyo xilli ay xusid mudan tahay in dalka uu kusii baahayo Cudurka Corona Virus.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday beelaha walaala ah ee ku dagaallamaya meelo ka mid ah Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan Ciidanka Amniga iyo dadka xabad joojinta wadda.
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in la joojiyo dhiiga walaalaha ee micno darrada ku daadanaya.
Wuxuu odayaasha iyo waxgaradka ku booriyay xoojinta dadaalada nabadda lagu raadinayo, isagoona maamulada ka jira deeganada ay colaadduhu ka jiraan ugu baaqay in ay mas’uuliyadooda kasoo baxaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here