Xasan Sheekh oo sheegay in uusan isbedelin mowqifka doorashooyinka ee Madasha Xisbiyada

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran.
kaas oo qabsoomay 28 bishan.
Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.
Xassan Sheek Maxamud ayaa yiri “waxaan rabaa inaan faah faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”
“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah
horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri” Xassan Shiekh Maxamuud.
Madaxweeynahan hore ayaa sidoo kale sheegay in uusan is badalin mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka.
Kulanka ayaa qabsoomay 28 bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here